Scroll to Top

xogwaran

Just another WordPress site

Dhalin yaro Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareyso ilaa Lix dhalinyaraa ayaa Dalka Soomaaliya diblooogu soo celiyay, kuwaas oo ku  Xirnaa jaziirada Sechelles  Waxaana  Garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde ku Soo dhaweeyay Wasiirka Cadaalada, Taliyaha Ciidanka Asluubta  Soomaaliyeed, Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare. Dhalinyaradaan  ayaa 6...

Qaraxan oo ahaa mid lagu soo xiray Gaari uu watay Wariye lagu magacaabo Maxamed Ibraahin Gaaboow ayaa waxuu ka dhacay Xaafada Kawaanka Malaayga ee Degmada Wadajir. Ilaa iyo hada majiro cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxan lagu khaarajiyay Wariyaha oo ka dhacay Magaalada Muqdiqsho ee Caasimada Soomaaliya. ...

Wararka naga Soogaara Deegaano hoostaga Magaalada Baladweyne ayaa  sheegaya in Xarakada Al Shabaab ay dab qabadsiiyeen Gawaari Raashin ganacsi siday oo ku sii jeeday Koonfurta Soomaaliya. Waxaana la sheegay in Al Shabaab deegaanka Maroodille ee Gobolka Hiiraan ay ku gubeen 6 Gaari oo siday badeeco, kuwaas oo u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan...

Maamulka Xiriirka kubada Cagta ee jubbaland ayaa soo saaray Dacwad ka dhan ah xulka kubada Cagta Gobolka Benaadir kadib Markii shalay Benaadir uu u Ciyaaray Ciyaaryahan Ajanabi ah oo u dhashay Kenya una Ciyaara mid kamida kooxaha Heerka kowaad ee Caasimada. ...

Muqdisho Ciidamada Ammaanka Gobolka banaadir  ayaa goor dhow Gaari looga shakiyay in ay saaran yihiin Walxaha qarxa ku qabtay Nawaaxiga Ex Kontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho. Dhankale goobjoogayaal la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in Gaariga laga shakiyay uu yahay Spacio, islamarkaana saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladdu ay baaritaano ku hayaan Gaarigaasi. HALKAAN...

Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada warfaafinta galmudug haatana ka mid ah siyaasiyiinta reer galmudug axmed shire falagle ayaa ka hadlay heshiiskii taariiqiga ahaa ee ay dhawaan muqdisho ku gaareen galmudug ahlusunna wuxuuna heshiiskaas ku tilmaamay guul usoo hooyatay dadyowga daga gobalada mudug iyo galgaduud ee galmudug Siyaasi falagle ayaa sheegay in heshiiskaasi...

Dagaal haatan ka socda Magaalada muqdisho Gaar ahan Xaafada Buula xuubay kaas oo udhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya . Dagaalkaan  oo ah mid xoogan ayaa waxaa uu ka dhashay muran la xariira Dhul ku yaalla halkaasi. ilaa hada Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana dadka deegaanku ay bilaabeen Barakac, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka...

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo Waxgaradka Galmuduug  ayaa waxa ay ku guuleysteen inay  hormarin Balaaran Gaarsiiyaan Dekada Magaalada Hobyo. Mdaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Shactarkii ugu horeeyey uu Dekada Magaalada Hobyo kusoo  xiran doono,Maalmaha nagu soo aadan. Dhanka kale Wasiirka Dekadaha Maamulka Galmudug ayaa ku faanay in Dhaqaale...

Reysal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in dawladdu ay dedejisay ansixinta sharciga dhismaha guddiga la-dagaalanka musuqmaasuqa, oo baarlamaanku meelmariyey bishii hore, isagoo caddeeyey in ay qaadeen tallaabooyin dheeri ah oo ay ka mid tahay magcaabista Hanti-dhawre Guud iyo Xisaabiye Guud oo shaqo-yaqaanno ah. Waxuna raaciyey in bilaha soo socda la qaadi doono...

Kadib markii uu abaal marinta Ballon D’or markii shanaad ku guulaystay ayuu Cristiano Ronaldo sheegay in uu waqti dheer sugayay abaal marintan shanaad wuxuuna xusay in uu rajaynayo in dagaalka u dhexeeya isaga iyo Lionel  Messi ee abaal marinaha shaqsiga ahi uu sii socon doono. Ronaldo ayaa ku celiyay sida uu u doonayo in uu abaal marintan Ballon D’or uu 7 jeer jeer...