DHAGEYSO: Wasaarada Amniga Gudaha Somalia oo Soo Saartay Awaamiir Dhanka Amniga ah

Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumada Somalia ayaa Soo Saartay Awaamiir Culus oo Dhanka amniga Ah oo ku wajahan Hoteelada ku yaala Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Somalia.

Afhayeenka Wasaarada Amniga C/kaamil Macalin Shukri oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in Wasaarada Amaanka Ay Soo Saartay Awaamiir lagu Xaqiijinayo Amaanka Hoteelada.

Afhayeenka ayaa Faray masuuliyiinta Hoteelada in Wasaarada Amniga lala soo socdsiiyo haddii Shirar Ay ka dhacayaan Hoteelada Muqdisho.

Arintaan Ayaa Dad badan Waxa ay u arkaan in Ay Tahay Mid Afka lagu Qabanayo Siyaasiinta , Odoyaasha ka soo horjeedo Siyaasada  Madaxweynaha Somalia.

Madaxweynaha Somalia Ayaa La sheegay in uu Dhanka kale Soo Saaray in boorarka Muqdisho Aan Lagu Dhajin karin Sawir Ama oraahda Musharxnimada Marka laga Reebo Sawirkiisa.

iyada Ay Fooda Nagu Soo heeyso Xiliga Dalka Lagu Qaban lahaa Doorasho Ayaa hadana Waxaa Magaalada Muqdisho aanan Laga dareemeeynin Diyaargaroowga Doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here