Man United Oo Old Traffrod Ku Dubatay Sunderland, Mourinho Oo Cadaadiska Ku Sii Kordhiyay David Moyes Iyo Red Devils Oo Guulaheeda Sii Wadata

0
54

Manchester United ayaa sii wadata qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay ku soo jirtay kulamadii ugu danbeeyay waxayna guul wayn Old Traffrod kaga gaadhay kooxda dhibtoonaysa ee Sunderland. Daley Blid, Zlatan Ibrahimovic  iyo Henrikh Mkhitaryan oo min hal gool dhaliyay ayaa Mourinho iyo kooxdiisa ka caawiyay in ay dhinac iskaga dhigaan kooxda Sunderland waxayna guushan ku gaadheen 3:1 bilaa jawaab ah. Laakiin inkasta oo ay Man United 18 kulan ciyaartay isla markaana ay Tottenham kulankeeda ciyaari doonto ayay wali farqiga goolasha Red Devils baaqi ugu sii tahay kaalinta lixaad.

Tababare Mourinho ayaa shaxdiisii uu guulihii ugu danbeeyay ku soo gaadhay laba isbadal ku sameeyay iyada oo  Daley Blind iyo Juan Mata badaleen Matteo Darmian iyo Wayne Rooney iyada Rooney uu kulankan ku seegay dhaawac fudud oo soo gaadhay.

SHIXHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Manchester United XI (4-3-3):De Gea; Valencia, Jones, Rojo, Blind; Herrera, Carrick, Pogba; Mata, Ibrahimovic, Lingard.

Kaydka: Romero, Darmian, Smalling, Fellaini, Mkhitaryan, Rashford, Martial.

Sunderland XI (4-3-3): Pickford; Jones, Kone, Djilobodji, Van Aanholt; Larsson, Denayer, Ndong; Borini, Defoe, Anichebe.

Kaydka:Mannone, Love, O’Shea, Embleton, Honeyman, Asoro, Khazri.

Manchester United ayaa ciyaarta ku bilaabtay qaab ciyaareed fiican inkasta oo sidoo kale Sunderland ay iska caabin wayn kala hortimid Red Devils. David Moyes oo markii ugu horayey dib ugu soo laabtay Old Traffrod ayaa doonayay in uu natiijo fiican ka helo kooxda Mourinho basle Mourinho iyo kooxdiia Red Devils ayay ka go’nayd in ay sii wataan guulihii xidhiidhka ahaa ee ay soo wadaan.

DAQIIQADII 27 AAD BIRTA GOOLKA!. Pual Pogba ayaa u muuqday inuu  Manchester United hogaanka u dhiibay isla markaana uu dhaliyay goolka furitaanka ee kulankan laga sugayay laakiin darbadiisa ayaa birta goolka ku dhacday kadib markii ay kubbad qurux badan isdhaafsadeen Lingard.

DAQIIQADII 39 AAD GOOOOOOOOL! Manchester United ayaa dadaal badan kadib ugu danbayn heshay goolkeeda furitaanka waxaana goolkan Red Devils u saxiixay  Daley Blind kaas oo gool caawin ka helay Zlatan Ibrahimovic waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay kooxda Mourinho hogaanka kagala wareegtay Black Cats. Ibrahimovic ayaa 21 kulan oo horyaalaada Premier Leaque-ga iyo Ligue 1 ugu danbeeyay markii ugu horaysay sameeyay gool caawin.

Sunderland ayaa muujisay in ay Manchester United xaalada ku xumayn karto waxayna dadaal badan ugu jireen sidii ay natiijo fiican uga heli lahaayeen kulankan balse qaybtii h–e ee kulankan ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Manchester United hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay waqti badan ciyaartu ahayd qaabkii ay ku dhamaatay waqtigii nasashada ka hor laakiin Manchester United ayaa doonaysay in waqti ay ku qaadataba ay hesho goolal kale waxayna ahayd kooxda laga filan karayay in ay goolal kale dhalin karto.

DAQIIQADII 82 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL!  Zlatan Ibrahimović oo si joogta ah u raadinayay goolkiisa ayaa ugu danbayn shabaqa ka soo taabtay kooxda Sunderland si uu Manchester United ugu xaqiijiyo guusha ay ka gaadhay Black Cats wuxuuna meesha ka saaray walalkii Red Devils ee ahaa in Sunderland ay goolka barbaraha la iman karto. Paul Pogba ayaa markan noqday xidiga sameeyay gool caawinta Ibrahimovic.

DAQIIQADII 86 GOOOOOOOOOOOOOOOOOL!. Manchester United ayaa ugu danbayn si rasmi ah natiijada ciyaarta iskugu hubsatay kadib marki uu Henrikh Mkhitaryan qaab cajiib ah uu ku dhamaystiray goolka David Moyes iyo kooxdiisa Sunderland jilbaha u aasay isaga oo markale Ibrahimovic noqday xidiga sameeyay gool caawinta Henrikh Mkhitaryan kaas oo isna ka soo laabashada dhaawiciisa ugu dabaal degay goolkan wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:0 ay Red Devils ku xaaqayso Sunderland.

Manchester United ayaa markan si rasmi ah u xaqiijisatay saddexda dhibcood ee Old Traffrod yaalay laakiin Ibrahimovic ayaa kulankan ka sameeyay laba gool caawineed inkasta oo aanu 21 kii kulan ee ka horeeyay oo horyaal ah aanu samayn wax gool caawin ah wuxuuna sidoo kale dhaliyay goolka labaad taas oo bandhigiisa ka dhigtay mid cajiib ah.

Dhamaadkii ciyaarta Fabio Borini ayaa kooxdiisa u dhalyay goolka calanka si uu David De Gea u xistiyo inuu garoonka kala baxo shabaqa nadiif ah waxayna ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:1 ay Manchester United ku dubatay Sunderland oo wali ku dhibtoonaysa qaybta ugu hoosaysa miiska kala saraynta Premier Leaqque. Manchester United oo horeba u hayd boqorada guulaha maalinta Boxing dayga ayaa rekoodhkeeda fiican sii wadatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here