Arsenal Oo Guul Ay Ku Rafaaday Ka Gaadhay West Brom, Olivier Giroud Oo Geesiga Gunners Noqday Iyo Kooxda Wenger Oo Tubta Guusha Ku Soo Laabtay.

0
69

Arsenal ayaa guul ay ku rafaaday isla markaana ay xili danbe ka gaadhay kooxda West Brom kaga soo kabsatay guuldarooyinkii kulamadii h–e soo gaadhay waxaana goolka ay Gunners musiib kale kaga badbaaday u saxiixay  Olivier Giroud kaas oo kala badbaadiyay Arsene Wenger iyo jamaahiirta Gunners ee markii horeba ka niyadjabtay hanaanka kooxda Wenger ee kulamadii ugu danbeeyay.

Arsenal ayaa ugu danbayn tubta guusha ku soo laabtay waxayna guushan uga mahad celinaysaa gool soo daahay oo uu  Olivier Giroud dhaliyay daqiiqadii 86 aad ee kulankii Emirates Stadium isaga oo dhinaca kale goolkani qalbi jab ku ahaa kooxda West Brom oo xaalada ku xumaysay Gunners.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

ARSENAL (4-2-3-1): Cech; Bellerin, Gabriel, Koscielny, Gibbs; Coquelin, Xhaka; Sanchez, Ozil, Iwobi; Giroud.

KAYDKA:Ramsey, Perez, Ospina, Holding, Monreal, Reine-Adelaide, Elneny.

WEST BROM (4-2-3-1): Foster; Dawson, McAuley, Evans, Nyom; Yacob, Fletcher; Phillips, Chadli, Brunt; Rondon.

KAYDKA:Olsson, Robson-Kanu, Morrison, Gardner, Myhill, McClean, Galloway.

Kooxda Arsene Wenger ayaa qaybtii h–e ee kulankan ku fashilantay in ay ka faa’iidaysato garoonkeeda iyo jamaahiirteeda ay ku hor ciyaaraysay laakiin kooxda West Brom ayaa ku faraxsanayd qaabka ay Gunners ku wajahday 45 kii daqiiqo ee qaybtii h–e ee kulankan.

Inkasta oo ay Arsenal lahayd boqolkiiba 80% booshin haysashada isla markaana ay samaysay 10 darbo oo ay ku doonaysay in ay goolka furitaanka kula timaado ayaa fashilmay hallka West Brom ay lahayd boqolkiiba 20% kaliya booshinkan basle waxay awooday in ay laba jeer oo kaliya darbo ku tuurto goolka Gunners basle ujeedada ugu wanayd ayaa ahayd in ay shabaqeeda ka ilaaliso Gunners. Arsenal ayaa fursado badan abuurtay laakiin waxay noqdeen kuwo aan guulaysan.

Arsenal oo labadii kulan ee ugu danbeeyay guuldarooyin kala soo kulantay kooxaha Everton iyo Manchester City ayaa markale awoodi wayday in ay qaybtii h–e ee kulankan ay muujiso in ay ka soo kabsatay xaaladii aan fiinayn ee ay ku jirtay waxayna 45 kii daqiiqo ee qaybtii h–e ku dhamaadeen barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Arsenal soo laabtay iyada dardar xoogan ku socota isla markaana ay ka go’antahay in ay jabiso ismari waagii qaybtii h–e iyo difaacashadii cajiibka ahayd ee ay kala kulantay West Brom.

DAQIIQADII 50 AAD Arsenal ayaa u muuqatay in ay heshay goolkeeda furitaanka ee ay waqtiga badan soo raadinaysay laakiin goolhaye  FOSTER! oo wacdaro soo badhigay ayaa Sanchez ka beeniyay fursad gool cadaan ah loo fishay.

DAQIIQADIHII 56 AAD iyo 58 AAD  Arsenal ayaa heshay fursado sida looga bartay gool noqda laakiin waxay mari waayeen  FOSTER! kaas oo muujiyay awooda uu u leeyahay in uu fursad kasta Gunners ka beenin karo. Markii ay Gunners aragtay fursadahan uu Foster beeniyay waxay u muuqatay in ayna garanayn waxa ay sameeyaan si ay gool u dhaliyaan!.

DAQIIQADII 67 AAD Arsenal ayaa dirqi ku badbaaday kadib markii uu Yacob uu helay fursad layaableh isaga oo goolka Gunners u jiray 4 yards oo kaliya balse fursada loo qaatay goolka West Brom ayaa birta dulmaray waxayna ahayd fursad cajiib ahayd oo ay Gunners ka badbaaday.

DAQIIQADII 86 AAD GOOOOOOOOOOOOOL! Olivier Giroud ayaa noqday geesiga Gunners badbaadiyay isaga oo habeenka oo dhan sugayay kubbad sare oo hawada soo marta si uu ugu danbayn u jabiyo iska caabintii xadiidka ahayd ee West Brom wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad fiican oo uu Mesut Ozil lugtiisa ka soo baxday, wuxuuna goolkani badalay gabi ahaanba dareenkii kooxda Gunners isaga oo Olivier Giroud ciyaarta ka dhigay 1:0 ay ugu danbayn Arsenal dhulka ku dhigtay West Brom.

Waxa uu ahaa gool soo daahay isla markaana farxadiisa si wayn looga dareemay Emirates Stadium iyo aduunka oo dhan meel ay ka jogaan jamaahiirta Gunners ee waqtiga dheer goolkan sugayay. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay guul cidhiidhi ku gaadhay Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here