Man City Oo Guul Muhiim Ah Ka Soo Gaadhay Kooxda Dhibtoonaysa Ee Hull City, John Stones Oo Nasiib Xumo La Kulmay Iyo Sky Blues Oo Kaalinta Labaad Ku Sii Fadhiisatay.

0
83

Manchester City ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda heerka labaad u soo hoobanaysa ee Hull City waxayna Sky Blues soo gaadhay guul xili danbe ku qaadatay si ay u jabiso difaacasho adag oo ay kala hortimid Hull City. Iyada oo ay 18 daqiiqo ka hadhsan yihiin ciyaarta ayay Manchester City ugu danbayn dhulka dhigtay Hull City oo ku faraxsanayd in ay barbaro gool la’aan ah ay ku qabto Guardiola iyo kooxdiisa City.

Yaya Toure ayaa gool rekoodhe ahaa goolka furitaanka ugu keenay Man City halka da’yarka Kelechi Iheanacho uu si deg deg ah u raacsaday goolka ay Manchester City sida rasmiga ah ugu xaqiijisatay guushan.Dhamaadkii ciyaarta waxaa goolka saddexaad ee ciyaarta soo gabagabeeyay iska dhaliyay AdTech AdCurtis Davies waxayna ciyaartu ku dhamaatay 3:0 ay City ku soo dubatay Hull City.

Guardiola iyo kooxdiisa Sky Blues ayaa guushan ka gaadhay iyaga oo sidoo kale ka fikiraya kulanka Anfield ee ay Liverpool booqan doonaan dhawaan.Man City ayaa kaalinta labaad si ku meel gaadh ah u sii gashay ka hor kulanka Liverpool iyo Stoke City.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Man City(3-5-1-1): Marshall; Maguire, Dawson, Davies; El Mohamady, Livermore, Huddlestone, Clucas, Robertson; Snodgrass; Mbokani.

Kaydka:Meyler, Maloney, Jakupovic, Weir, Diomande, Henriksen, Mason.

Man City (4-2-3-1): Bravo; Sagna, Otamendi, Stones, Clichy; Yaya Toure, Fernandinho; Sterling, De Bruyne, Silva; Nolito.

Kaydka:Zabaleta, Fernando, Kolarov, Caballero, Jesus Navas, Iheanacho, Aleix Garcia.

Hull City ayaan noqon sidii la filayay waxayna kooxda heerka labaad ka baxsanaysaa qaybtii h–e ee kulankan soo bandhigtay qaab ciyaareed si wayn u farxad galiyay isla markaana ay xaalada ugu adkaysay Manchester City oo la filayay in ay xili horeba kabaha la dulmari karto Hull City.

Inkasta oo ay Manchester City ahayd kooxda garoonka wax kasta ku soo bandhigtay marka laga reebo in ay shabaqa Hull City gaadho ayaa haddaba awoodi wayday in ay qaybtii h–e ee kulankan la timaado wax goolal ah taas oo Guardiola iyo kooxdiisu ayna markii h–e sii qorshaysan. Hull City ayaan kaliya ku koobnayn in ay difaacasho samayso balse waxay sidoo kale badbaadino ku qasabtay goolhaye Bravo.

DAQIIQADII 18 AAD Manchester City ayaa qasab ku noqotay in ay xili horeba badal samayso kadib markii uu dhaawac soo gaadhay difaaca kulankan shaxda Sky Blues dib ugu soo laabtay ee John Stones kaas oo awoodi waayay in uu sii wato kulankan waxaana algu soo badalay Aleksandar Kolarov.

Manchester City ayaa 8 darbo ku beegsatay goolkha Hull City laakiin saddex kaliya ayaa bartilmaamood kooxda helay halka Hull City ay samasyay 4 darbo oo goolka City ah waxayna si toos ah goolka ugu toogteen hal darbo oo kaliya waxayna arintani muujinaysaa qaabkii ay labada goolhaye fasaxa ugu jireen qaybtii h–e waxayna sidaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Manchester City bilawday in ay raadiso xalkii ay ku dhaafi lahayd difaacashada cajiibka ahayd iyo iska caabinta ay kala kulantay Hull City basle sidoo kale Hull City ayaa markan aamintay in ay xataa guul ka gaadhi karto kooxda Guardiola.

DAQIIQADII 53 AAD BIRTA GOOOLKA!. Ugu danbayn fursadii ugu fiicnayd ee ciyaarta ayaa timid waxayna Manchester City ugu dhawaatay in ay jabiso ismari waagii ciyaarta laakiin darbo uu Kevin De Bruyne ku tuuray goolka Hull ayuu arkay iyada oo kubbadu ku dhacday birta goolka.

DAQIIQADII 72 AAD REKOODHE! Manchester City ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay ku heli kartay goolka inkaarta ku noqday waxaana kooxdiisa Hull City musiibo ku abuuray Andrew Roberston kaas oo Raheem Sterling qalad ugu dhex galay xerada ganaax wuxuuna garsooruhu tilmaamay gool ku laad.

DAQIIQADII 72 AAD GOOOOOOOOOL! Xidiga khibrada badan leh ee Yaya Touré ayaa kubbad qaatay wuxuuna garbaha u ritay masuuliyada rekoodhe tuurista kooxdiisa isaga oo awooday in uu Sky Blues fursada uga faa’iideeyo wuxuuna dhaliyay goolka Guardiola iyo kooxdiisu ay sida wayn u raadinayeen wuxuuna Toure ciyaarta ka dhigay 1:0 ay City ugu danbayn ku jabisay iska caabintii Hull City.

DAQIIQADII 78 AAD GOOOOOOOOOOOL! Manchester City ayay markan u sahlanaatay in ay ciyaarta disho waxaana burburay iska caabintii Hull City iyada oo da’yarka  Kelechi Promise Iheanacho uu ciyaarta hurdada u diray kadib markii uu gool caawin ka helay David Silva, wuxuuna goolkan dhaliyay lix daqiiqo oo kaliya kadib markii ay kooxdiisu heshay goolka furitaanka, natiijada ciyaarta ayaa noqotay 2:0 ayna Hull City haysan fursad ay ku soo laabto.

Dhamaadkii ciyaarta waxaa goolka saddexaad ee ciyaarta soo gabagabeeyay iska dhaliyay AdTech AdCurtis Davies waxayna ciyaartu ku dhamaatay 3:0 ay City ku soo dubatay Hull City.axayna kooxda Guardiola si ku meel gaadh ah ugu sii fadhiisatay kaalinta labaad ee miiska kala saraynta Premier leaque-ga ka hor kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Stoke City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here