Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Chelsea & Bournemouth Ee Kulankii Ay Blues Taariikhda Ku Dhigtay, Kumaase Ahaa Xidigii Garoonka Ugu Fiicnaa?

0
89

Kooxda Chelsea ayaa taariikh cusub u samaysay kooxdeeda kadib markii ay kulankii 12 aad oo xidhiidh ah ay Stamford Bridge ku garaacday kooxda Bournemouth. Antonio Conte ayaa muujiyay awooda uu leeyahay in uu sida ugu fiican u buuxin karo boos kasta oo kooxdiisa ka banaan haddii ay ciyaartoy ka dhaawacmaan ama ay ganaax kaga maqnaadaan.

Haddii markii h–e la filayay in Diego Costa iyo N’Golo Kante ay Blues u dhin doonto taasi waxaa diiday Pedro Rodriguez iyo Eden Hazard oo sameeyay bandhig cajiib ah iyada oo Willian iyo Fabregas oo kulankan ku soo wada bilawday ay markale muujiyeen awoodooda khadka dhexe iyo kubbadaha hal abuurka leh. Chelsea ayaa markale dirtay fariin cadaan ah oo aan cabsi lahayn.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimaynta ciyaartoyda kooxaha Chelsea iyo Bournemouth ee kulankii ay Blues ku gaadhay guusheedii 12 aad oo xidhiidh ah si ay Conte magiciisa ugu qoraan buugaagta taariikhda Stamford Bridge.

XIDIGII GAROONKA UGU FIICNAA: Waxaad filan kartaa in Pedro Rodriguez uu ahaa xidigii garoonka ugu fiicnaa maadaama uu laba gool dhaliyay laakiin bandhigii indho sarcaadka ahaa ee uu Eden Hazard sameeyay ayaa xidiga ree Spain ka hor joogsaday abaal marinta xidigii garoonka ugu fiicnaa. Bandhigii uu Hazard kulankan sameeyay ayaa si wayn uga cadhaysiin kara Jose Mourinho oo waqtigan oo kale xili ciyaareedkii h–e Hazard iyo asxaabtiisa ka quustay.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA CHESLEA:

CHELSEA (3-4-3): Courtois 7; Azpilicueta 6.5, Luiz 6, Cahill 6; Moses 6.5 (Aina 89), Fabregas 7, Matic 6.5, Alonso 6; Willian 7 (Chalobah 83), Hazard 8 (Batshuayi 90), Pedro 7.5.

Tababare: Antonio Conte 7.

Garsoore: Mike Jones (Cheshire) 6

Tiradii Garoonka Ka Soo Xaadirtay: 41,384

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA BOURNEMOUTH:

BOURNEMOUTH (3-5-1-1): Boruc 6; Francis 5, Cook 5, Daniels 5; A Smith 6, Gosling 6.5, Surman 6.5, Arter 6, B Smith 6 ; Wilshere 6; King 5.

Tababare: Eddie Howe 6.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here