Shaxda Rasmiga Ah Ee Liverpool Vs Stoke City- Daniel Sturridge Oo Wali Kaydka Ku Jira Iyo Klopp Oo Aan Shaxdiisa Waxba Ka Badalin.

0
82

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawaynaysa kooxda Stoke City waxayn markale ciyaaraysaa iyada oo maanka ku haysa in dhamaan kooxaha waa wayn ee ay la tartamaysaa ay soo guulaysteen kulamadii maalinta Boxing day-ga, waxayna kooxda Jurgen Klopp ay doonaysaa in ay dhinaceeda sii wadato guulihii kulamadii ugu danbeeyay. Markale Liverpool ayaa diyaar u ah in ay kooxda Guardiola ka soo ceshato booska kaalinta labaad isla markaana ay sii baacsato kooxda la joojin kari waayay ee Chelsea.

Tababare Jurgen Klopp ayaan waxba ka badalin shaxdiisii uu guulaha kaga soo gaadhay kulamadii h–e waxaana kaydka ku sii jira Daniel Sturridge inkasta oo uu saamayn fiican sameeyay kulankii Everton. Emre Can ayaa wali isna baaqi ku sii ah kaydka waxaana booskooda sii xejistay xidigihii bandhiga fiican soo mameeyay kulamadii Middlesbough iyo Everton.

Xidigii h–e ee kooxda Liverpool ee Joe Allen ayaa markii ugu horaysay dib ugu soo laabtay Anfield wuxuuna ku soo bilawday shaxda Mark Hughes laakiin Shaqiri, Bony, Afellay iyo Bojan ayaa dhamaantood kaydka ku jira. Sidoo kale xidigii h–e ee Liverpool ee Crouch ayaa hogaaminaya safka weerarka Stoke.

SHAXAHA RASMIGA AH EE LABADA KOOXOOD:

LIVERPOOL:Mignolet, Clyne, Lovren, Klavan, Milner, Henderson, Wijnaldum, Lallana, Mane, Firmino, Origi

KAYDKA:Karius, Sturridge, Moreno, Lucas, Can, Ejaria, Woodburn

STOKE CITY:Grant; Johnson, Shawcross, M.Indi, Pieters; Diouf, Allen, Whelan, Imbula, Walters; Crouch.

KAYDKA: Given, Bony, Afellay, Adam, Shaqiri, Bojan, ramadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here