RASMI: Ronaldo Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Xidiga Sanadkan 2016 Ugu Fiican Ee Globe Soccer Award, Mark Clattenburg Oo Garsoorihii Ugu Fiicnaa Loo Aqoonsaday Iyo Abaal Marinhii Kale Ee La Bixiyay.

0
83

Xidiga xulka qaranka Portugal ayaa ku guulaystay abaal marinta xidiga sanadkan 2016 ugu fiican ee  Globe Soccer Award kadib markii uu abaal marintan ku garaacay Lionel Messi, Gareth Bale, Antoine Griezmann, Jamie Vardy iyo Gonzalo Higuain. Cristiano Ronaldo oo sanadkan abaal marino iyo koobabkii ugu muhiisanaa ku guulaystay ayaan ka soo xaadirin xafladii Dubia ee lagu bixiyay abaal marinta xidiga sanadkan 2016 ugu fiican ee  Globe Soccer Award 2016 wuxuuna kaga soo qayb galay qaab muuqaal ah.

Cristiano Ronaldo oo dhawaan markii afraad ku guulaystay abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee Ballon d’Orka ayaa sidoo kale markii afraad ku guulaystay abaal marinta Globe Soccer Awards kadib markii uu kooxdiisa Real Madrid ka soo caawiyay in ay ku guulaysato koobka Champions Leaque-ga iyo Club World Cupka halka uu xulka qarankiisa Portugal kula soo guulaystay koobka qaramada Yurub ee Euro 2016.

Ronaldo ayaa dhawaan sheegay in sanadkan 2016 uu yahay sanadkii waayihiisa ciyaareed iyo noloshiisa ugu fiicnaa wuxuuna abaal marinihii h–e ee uu haystay ku darsaday abaal marinta xidiga sanadkan ugu fiican ee Globe Soccer Awards 2016.

Lionel Messi ayaa ahaa xidiga abaal marintan difaacanayay wuxuuna sanadkan abaal marintan u waayay Ronaldo oo si joogto ah ugu tartamaan abaal marinaha shaqsiga ah. Waxa kale oo abaal marintan Globe Soccer Awards ku soo guulaystay Radamel Falcao waqtigii uu Ateltioc Madrid ka tirsanaa iyo  Franck Ribéry oo sanadkii 2013 kii ku guulaystay.

Image result for Globe Soccer Awards best player 2010

Dhinaca kale garsooraha horayalka Ingiriiska ee Mark Clattenburg oo sanadkan soo dhex dhexaadiyay finaladii Champions Leauqe-ga, Euro 2016 iyo waliba finalkii FA Cupka ayaa la gudoonsiiyay abaal marinta garsoorihii sanadkan 2016 ugu fiicnaa.

Xidiga kooxda Omar Abdulrahman iyo kooxdiisa Al Hilal ayaa ku guulaystay xidigii iyo kooxdii carbeed ee ugu fiicnaa sanadkan 2016. Omar Abdulrahman ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah wuxuuna helay abaal marinta uu u qalmay. Waxaana abaal marintan gudoonsiiyay Fabio Capello.

Wakiilka caanka ah ee Mino Raiola ayaa wali sii wata guulihii xidhiidhka ahaa ee uu abaal marintan ka soo gaadhay waxaana markale loo doortay wiilkii sanadkan 2016 ugu fiicnaa isaga oo wakiil ka ahaa Paul Pogba oo ay Man United lacag rekoodh aduun ah kula soo wareegtay wuxuuna sidoo kale wakiil ka ahaa Ibrahimovic iyo Mikhitaryan oo iyaguna Man United ku soo biiray.

Mohamed Salah oo ka tirsan kooxda AS Roma ayaa isna ku guulaystay abaal marinta xidigii carbeed ee sanadkan 2016 ugu fiicnaa kadib markii uu bandhig fiican kala soo muuqday kooxdiisa AS Roma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here