Liverpool Oo Anfield Ku Xasuuqday Stoke City, Klopp & Ciidamadiisa Reds Oo Fariin U Diray Gauardiola Oo Kulankan Daawanayay Iyo Reds Oo Kaalinta Labaad Dib Ugu Soo Laabtay

0
81

Liverpool ayaa Anfield ku xasuuqday kooxda Stoke City oo goolka kaga hormartay waxayna kooxda Klopp ee Reds dib ugu soo laabtay kaalinta labaad oo ay Manchester City ku sii jirtay. Liverpool ayaa sidoo kale fariin u sii dirtay Manchester City oo iyaduna Anfield soo booqan doonta maalinta sanadkan cusub iyada oo Pep Guardiola uu ka soo xaadiray kulankii Anfield.

Waxaa Liverpool guushan ka caawiyay Adam Lallana, Roberto Firmino iyo Daniel Sturridge oo min hal gool dhaliyay halka goolka kale uu iska dhaliyay Gilbert Gianelli Imbula. Guushan ayaa Liverpool micno wayn ugu fadhida iyada oo waqti aad u kooban ciyaari doonta kulamada soo socda. Reds ayaa 4:1 ku xasuuqday Stoke City oo waliba gool ku hormartay bilawgii kulankan.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Liverpool (4-2-3-1): Mignolet; Clyne, Lovren, Klavan, Milner; Henderson, Wijnaldum; Mane, Firmino, Lallana; Origi

Kaydka:Karius, Moreno, Lucas, Ejaria, Can, Woodburn, Sturridge.

Stoke City  (3-5-2): Grant; Johnson, Shawcross, Martins Indi; Diouf, Whelan, Imbula, Allen, Pieters; Walters, Crouch.

Kaydka: Given, Adam, Sobhi, Afellay, Shaqiri, Bojan, Bony.

Liverpool ayaa qaab ciyaareed fiican ku bilaabtay waxayna markiiba bilawday in ay fursado fiican abuurto iyada oo Sadio Mane iyo Henderson ay xili horeba heleen fursado fiican laakiin qorshaha Stoke City ayaa ahaa in ay difaacato isla markaana ay weerar deg deg ah iyo kubbadaha sare ku dhibaatayso Liverpool.

DAQIIQADII 12 AAD GOOOOOOOOL!. Stoke City ayaa fursadeedii ugu horaysay ee kulankan kula timid goolkeeda furitaanka ee ay Liverpool kaga naxsatay waxaana gool madax uu si qurux badan u dhamaystiray Jonathan Walters kadib markii uu kubbad ka helay Erik Pieters waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Stoke City hogaanka ciyaarta kula wareegtay inkasta oo ay Liverpool ahayd kooxda goolka furitaanka laga fulan karayay. Goolka Jonathan Walters ayaa keenay dood ah in uu offside ku jiray laakiin garsoorka ayaan waxba tilmaamin.

DAQIIQADII 19 AAD BADBAADIN! Liverpool ayaa ka badbaaday goolka labaad ee Stoke City kadib markii uu xidigii Reds ee Joe Allen uu helay fursad layaableh oo goolka hortiisa ah laakiin darbada loo qaatay goolka labaad ee Stoke ayuu Mignolet lugtada iskaga badbaadiyay halka mar labaad kubbada lagu celiyay uu difaacu iska saaray.

DAQIIQADII 25 AAD XARIIQDA GOOLKA! Liverpool ayaa u muuqatay in ay heshay goolkeeda barbaraha laakiin kubbad laysku celceliyay ayuu Firmino isku dayay in uu shabaqa Stoke ku gaadho laakiin Crouch ayaa xariiqda goolka kooxdiisa ka soo celiyay kubbada.

DAQIIQADII 34 AAD GOOOOOOOOOOOL!. Liverpool ayaa la timid goolkeeda barbaraha ee ay ciyaarta ugu soo laabtay waxaana Klopp iyo kooxdiisa culayska goolkan kaga dulqaaday Adam Lallana kaas oo xagal cidhiidhi ah si fiican uga dhamaystiray goolkan kadib markii uu Mane dadaal badan sameeyya isla markaana uu Johnson qalad xun galay waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah. Goolkan ayaa ahaa goolkii 7 aad ee uu Lallana xili ciyaareedkan ka dhaliyay Premier Leaque-ga waana xidiga khadka dhexe ee goolasha ugu badan ku lug lahaa isaga oo sidoo kale sameeyay 6 gool caawineed.

DAQIIQADII 44 AAD GOOOOOOOOOOOOOOOL!.  Roberto Firmino ayaa qaab cajiib ah ku dhaliyay goolka labaad ee Liverpool si uu Reds uga caawiyo in ay markeeda hogaanka ciyaarta qabto laakiin markale Adam Lallana bandhig fiican soo sameeyay  waxaana caawinta goolkan magiciisa ku qoray James Milner, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Reds dhinaca kale ay Stoke City ugu rogtay goolkii ay ku hormartay iyada oo qaybtii h–e sidan lagu kala nastay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee kulankan ayay Liverpool sii wadatay qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay sooban dhigtay waxayna dagaal ugu jirtay sidii ay ciyaarta u dili lahayd ee ay ula iman lahayd goolka kalsoonida, sidoo kale Stoke ayaa raadinaysay xalkii ay markeeda ciyaarta ugu soo laaban lahayd.

DAQIIQADII 59 AAD GOOOOOOOOOOOOL! Divock Origi ayaa sabab u noqday in xidiga kooxda Stoke City ee Gilbert Gianelli Imbula uu si qalad ah iskaga dhaliyo goolka musiibada ku sii noqday Stoke wuxuuna Origi soo karoosay kubbad uu xariiqda goolka Stoke City soo hormariyay waxaana kubbada goolkan ku dhalinayay Sadio Mane balse Imbula ayaa uga horeeyay oo shabaqa iska soo taabtay waxayna ciyaartu noqotay 3:1 ay Liverpool ciyaarta ku dishay.

DAQIIQADII 69 AAD Klopp ayaa laba badal oo wada socda sameeyay si uu fursad u siiyo xidigaha kale ee kooxdiisa wuxuuna ciyaarta ka saaray Adam Lallana  iyo Divock Okoth Origi wuxuuna kaydka uga yeedhay Emre Can iyo Daniel Surridge.

DAQIIQADII 70 AAD GOOOOOOOOOOOL!. Daniel Sturridge ayaa taabashadiisii ugu horaysay ee kubbada ku dhaliyay goolkiisii xili ciyaareedkan ugu horeeyay ee Premier Leaque-ga isaga oo daqiiqad kaliya oo uu garoonka ku jiray dhibaatada ku sii kordhiyay Stoke kadib markii Ryan Shawcross uu sameeyay qalad xun wuxuuna Sturridge kubbada kula soo baxay goolka Stoke isaga oo dhinac iskag dhigay goolhayaha si uu goolkan udhaliyo wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4:1 ay Reds ku dubanayso Stoke oo gool kaga hormartay. Sturridge ayaa goolkan dhaliyay markii uu garoonka ku jiray 56 ilbidhiqsi oo kaliya!.

Liverpool ayaa abuuraysay fursado tiro badan waxayna markasta qarka u saarnayd in ay la timaado goolkeeda shanaad. Stoke City ayaa qaybtii danbe ee kulankan burburtay waxayna awoodi wayday in ay wax cadaadis ah saarto Liverpool oo kubbada ku raaxaysanaysay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:1 ay Liverpool ku xaaqday kooxda Stoke City oo goolka kaliya ee ay kulankan ka dhalisay kaga hormartay Liverpool, waxayna guushani Reds ka caawisay in ay markale dib ugu soo laabto kaalinta labaad ee miiska kala saraynta Premier Leaque-ga oo ay Man City ku sii jirtay. Natiijadan 4:1 ah ayaa la mid ah natiijadii ay isla Anfield xili ciyaareedkii Liverpool guusha ugaga gaadhay Stoke City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here