Gabar 23 sano jir ah oo codsatay in Hooyadeed lala raadiyo

Muno Aadan Muumin waa Gabar 23-sano jir ah kuna nool Degmada Waaberi ee Gooblka Banaadir, Hooyadeed ma aysan arkin mudo ku dhow 23 sano.

Waxa ay codsatay Muno Aadan Muumin in lala raadiyo Hooyadeed oo ay ugu dambeysay iyado oo Saddex bil oo keliya jirta.

Magaca Hooyadeed waxa ay ku sheegtay Aasiyo Sheekh Yuusuf, waxaana ay sheegtay in aysan ogeyn waqti xaadirkan Hooyadeed halka ay ku nooshahay.

Xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala ayay maanta noogu timid si bulshada Soomaaliyeed codsigeeda loogu gudbiyo Xasan Cabdi Axmed oo Risaala ka tirsan ayay u warantay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here