Dhagayso:- Wargalo oo Maamul La,aan Ay Kajirto iyo Shacabka oo Galmudug Baaq Ujeediyay

| Tuesday, Sep 29, 2015 |

Wariyaal Ka Tirsan Galmudug oo Hawlo Shaqo Kumaray Deegaano Ka Tirsan Miyiga Gobolka Mudug Ayaa waxa Degmoyinka Ay Tageen Ka Midka Ahaa Degmada Wargalo Ee Gobolka Mudug.

Degmada Wargalo oo Ah Degmo Facweyn Ayaan Xiligan Waxaan Ka Jirin Hormar Lataaban Karo iyadoo Markaad Gudaha Ugasho Magaalada Aad Dareemayso in Dib udhac Xoogan uuka Muqdo Degmada Xili Degmooyinka Kale ee Galmudug Ay Ku Tartamayaan Hormar Baaxadleh.

Degmada Malahan inta Badan Adeegyadii Bulshada Waxaana Dadka Degmadaasi Kunool Ay dib udhaca Dhanka Horumarka ee Ka Jira Degmada Ay Ku eedeenayaan Maamulkii Halkaasi Ka Jiray Mudo Bilooyin Ka Hor.

Qaarka Mid Ah Bulshada Kunool Degmada Wargalo Ee Gobolka Mudug oo La Hadlay wariyaasha Ayaa Sheegay in Xiligan uusan Maamul Rasmi Ah Kajirin Degmada Wargalo Ayagoo Tilmaamay in Degmada uuka Shaqeeyo Gudi Farsamo oo Bulshada Deegaanka Ay iskasoo Dhex Doorteen.

Bulshadan Waxay Kaloo Tilmaameen in Degmada Wargalo Mudo 6-bilood Ah uusan Ka Jirin Maamul Ayagoona Ka Codsaday Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed in Maamul Cusub uu udhiso Degmadaasi.

Dhinaca Kale Degmadaasi oo Aan Booqasho Ku Tagay Ayaa Waxaa Ka Jirta Abaar Daran oo Saamayn Ku Yeelatay Dadka iyo Duunyada Halkaasi Kunool Waxaana Badi Dadku Ay Aad uga Cabanayaan Biyo Yari

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codadka

Like it? Share it!

Leave A Response