Bayern Munich vs Dinamo Zagreb: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Kulanka Caawa

| Tuesday, Sep 29, 2015 |

bayern

Bayern Munich ayaa dooneysa iney sii wado guulaheeda koobka horyaalada yurub kadib markii ay si fiican uga soo adeegatay Olympiakos kulankii ay martida ku aheyd dalka Greece.

Pep Guardiola kooxdiisa waxey caawa gurigooda kusoo dhaweyn doonaan Dinamo Zagreb iyadoo kooxda reer Croatia ay si layaab leh gurigeeda ugu soo garaacday kooxda Arsenal kulankii furitaanka iney caawa garaacdo Bayern Munich layaab ma noqon doonto.

OGEYSIISKA CIYAARTA:

Kulanka: Bayern Munich vs Dinamo Zagreb

Tartanka: Champions League

Group: E

Garoonka: Allianz Arena

Saacadda: 9:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

MAXAA CUSUB?

Qolka labiska Bayern Munich ayaa isku badalay xarun lagu daweeyo bukaanada madama dhaawacyada xidigaha kooxda ay noqdeen kuwo sii kordhaya, Arturo Vidal iyo Sebastian Rode ayaa ah labada xidig ee haatan ku biiray liiskii hore oo ay ku jireen: Ribery, Robben, Benatia iyo Badstuber.

Sidoo kale Javi Martinez ayaa diyaar u ah inuu kusoo bilowdo kulankaan, waxaana la filayaa inuu caawa dhexda maamulo.

Ivo Pinto ayaa shaki la galinayaa inuu kusoo bilowdo shaxda Zagreb inkastoo uu seegay kulankii ay 4-1 ku qaarijiyeen Osijek, balse Goncalo Santos ayaa diyaar u ah inuu wajaho Bayern isagoo ganaax ku seegay kulankii Arsenal.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Bayern Munich:

Neuer; Lahm, Boateng, Alaba, Bernat; Alonso, Thiago, Martinez; Muller, Costa, Lewandowski

Dinamo Zagreb:

Eduardo; Matel, Tavarel, Benkovic, Pivaric; Rog, Antolic, Machado; Fernandes, Pjaca, Soudani

XAQIIQADA KULANKA:

Labadaan kooxood kaliya laba jeer ayey horay isugu arkeen taariikhdooda, waxeyna aheyd markaas 52-sano ka hor taasoo ku beegan 1963-dii waxeyna isku arkeen tartanka Cadaalada koob loogu magac daray.

Like it? Share it!

Leave A Response