Dhageyso: Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo galay Qaladkii ugu weynaa & Danjire Caalim oo ugu baaqay in uu iscasilo…

0
322

Aqoon-yahan Maxamed Caalim oo ka Faalooda Arimaha Siyaasada Somalia ayaa sharaxaad waafi ah ka bixiyay khaladka  jira ee sababay in khilaaf uu ka dhex abuurmo Maxkamada sare iyo Xildhibaanada Baarlamaanka & Xukuumada R/wasaare kheye.

Caalim oo Wareysi siiyay Warbaahinta gudaha ayaa khaladka dusha ka saaray ibraahin iidle Saleymaan gudoomiyaha Maxkamada sare waxaana uu ku tilmaamay nin galay qaladkii ugu weynaa ee dhanka siyaasada maadaama Xildhibaano iyadoo leesku heysto uu dhaariyay isagoo u aqoonsan Xildhibaano in ay yihiin kadibna la doortay Madaxweyne Maantana uu dhahayo sharci mahan Xildhibaanada 8-kursi ee Muranka ka jiro waxaana uu kula taliyay in uu xilka iska casilo.

Sidoo kale Aqoon-yahan Caalim ayaa Wasiir Xoosh kula taliyay in uu Baarlamaanka Soomaaliya hortago kana cudur daarto qoraalada uu soo dhigay Baraha bulshada si Xiisada taagan loo qaboojiyo waxaana dhanka kale uu Fariin u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here