Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Khudbad Ka Jeedinaya Kulanka Golaha Shacabka BFS, Maxaa Uu Uga Hadlayaa ?

| Saturday, Nov 25, 2017 |

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa maanta oo Sabti ah khudbad u jeedin doona Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxamed Cali Xaamud oo khamiistii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa maalintii shalay booqasho ku tagay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, waxaana wehliyay Guddoomiyaha Golaha shacabka Jawaari iyo Mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Guddoomiye Jawaari ayaa xalay illaa shalay fariimo qoraaleed u dirayay Xildhibaanada Golaha Shacabka, si ay uga soo qeyb galaan kulanka maanta oo Sabti ah dhacaya oo uu khudbad ka jeedin doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Khudbadda ayaa noqon doonta mid uu uga hadlo xaalada guud ee Soomaaliya, taageerada Jabuuti ay siiso dowladda Soomaaliya, xiriirada labada Baarlamaan u dhaxeya iyo arrimo kale.

Like it? Share it!

Leave A Response