Xiisad Dagaal Oo Weli Ka Jirta Suuqa Gaalkacyo & Wada-hadaladii Ugu Dambeeyay Oo Fashilmay

| Saturday, Nov 25, 2017 |

Wararka aan ka helayno Magaalada gaalkacyo ayaa sheegay in ay ilaa maanta ay degneyd, xaalada magaladaasi, oo uu maalinimadii shalay ka dhacay dagaal goos goos ah oo u dhaxeeya maleeshiyo kala taabacsan Ganacsatada Puntland iyo Galmudug ee degan suuqa weyn ee gaalkacyo.

Goobihii ganacsiga suuqa weyn ee Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta xirnaa Intooda badan, waxaana jiray cabsi ku aadan in lagu dagaalamo aagaasi.

Ciidamo Maleeshiyaad ah oo kala taabacsan Ganacsatada labada Dhinac ee Puntland iyo Galmudug, ayaa ku sugan aagaasi lagu dagaalamay Shalay, waxaana jira cabsi xoog leh oo laga qabo in uu dhaco is hor imaad kale, kaasi oo balaarin karin saameynta Dagaalka.

Wada-hadalo iyo Dadaalo lagu daminayay Colaadaasi, oo saacadihii ugu dambeeyay ka socday Gaalkacyo, una dhaxeeyay Maamulka, Waxgaradka iyo Ganacsatada labada dhinac ayaa ku soo dhamaaday Fashil, ka dib markii la isku fahmi waayay sida go,aan looga gaari lahaa Xaalada meesha taala iyo cida leh masuuliyada Dagaalkii ka dhacay Suuqa, walow warar madax banaan oo ay heshay PUNTLAND TIMES ay sheegayaan in dhinac Galmudug ay Qirteen Masuuliyada Dagaalkii shalay dhacay, balse ay diideen in la isticmaalo Bakhaarka uu ka kacay dagaalku.

Dagaalkan ka dhacay maalin-nimadii shalay aheyd Suuqa Gaalkacyo ayaa ka bilowday Bakhaar ganacsi oo ku yaalla suuqa, kaasi oo ay lee yihiin ganacsato ka soo jeeda Puntland, iyadoona la isku maandhaafay Kireynta Bakhaarkan, oo ganacsatadii laheyd ay ku sameysatay Dayactir, sida ay PUNTLAND TIMES u sheegeen ilo Rasmi ah oo ku sugan Aaga.

Ganacsade ka soo jeeda Dhinac Galmudug, ayaa ka hor-yimid in Dadka lahi ay ka kireystaan Bakhaarkooda Shirkad Ganacsi, taasi oo sababtay in ay ismaan dhaafaan labada dhinac, kuwaasi oo garabyo ka helay Ganacsatadii kale ee ku sugneyd suuqa iyo Maleeshiyaad.

Wararka ay caawa helayso PUNTLAND TIMES, ayaa tibaaxaya in ay caawa jirto cabsidii ugu xooganeyd oo laga qabo in u dagaal dib uga dhaco aagaasi, iyadoona Goobjooge La Hadlay PUNTLAND TIMES, uu sheegay in Ganacsatada Galmudug Qaarkood ay suuqa ka rarteen Hantidoodii, taasi oo abuurtay tuhun cusub, oo laga qabo Dagaal kale.

Like it? Share it!

Leave A Response