XOG: Xildhibaano Qaran oo Fadeexad lagu helay & Mucaaradka Farmaajo oo Xalay kulmay

| Saturday, Nov 25, 2017 |

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Damu-Jadiid ay xalay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxayna qorshe halis ah ugu dageen Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan oo ka dhacay mid ka mid Hotelada ku yaala Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa soo abaabulay Siyaasiyiinta dhaq dhaqaaq ugu xoogan ee mucaaradnimada ka wada magaalada Muqdisho.

Fadeexada ugu xoogan ee heysata dowlada Federaalka ayaa ah in kulanka ay goobjoog ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo doonaya in dowlada ay mushaarka ka qaataan ay burburiyaan iyagoo u adeegaya dowlado shisheeye.

Damu Jadiid waxay isla garteen in fursado badan ay heystaan, oo ay ku ridi karaan dowlada Farmaajo iyagoo ka faa’iideysanaya xirirka liita ee Farmaajo kala dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka iyo dowlada Itoobiya oo dooneysa in laga taqaluso.

Damu Jadiid ayaa sidoo kale ka faa’iideysaneysa Khilaafka u dhaxeeya Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka, waxaana ay doonayaan inay helaan Xildhibaano aad u badan oo Mooshin  ka keenay Madaxweyne Farmaajo si uu kursiga u baneeyo.

Like it? Share it!

Leave A Response