Sanbalooshe oo Meel aan laga fileyn ka soo Muuqday ka dib Kiiskii Qalbi dhagax

| Saturday, Nov 25, 2017 |

Agaasimihii xilka laga qaaday ee Haya’dda Nabadsugidda Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ku biiray siyaasiyiinta mucaaradka ee ka horjeeda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Sanbaloolshe ayaa la sheegay inuu hore xiriir hoose ula lahaa Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid oo ah ninka ugu sareeya siyaasiyiinta Imaaraadku maalgeliyo ee la doonayo in lagu bedelo dowladda hadda jirta, waxaana uu hore u ahaa madaxii ololaha Cumar C/rashiid.

Wararka qaar ayaa sheegeysa in Mudane Sanbaloolshe ay madaxda sare ee dowladda xilli danbe ogaadeen xiriirka qarsoodiga ah ee kala dhaxeeya Cumar C/rashiid, taasoo qeyb ka ahayd sababihii xilka looga qaaday, wuxuuna hadda dadaal ugu jiraa inuu dib ugu soo laabto jagadii xildhibaannimo inkastoo ay kula loolami doonaan xubno muhiim ah.

Siyaasiyiinta taageerada ka helaya Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ugu horeeya Cumar C/rashiid oo la-taliye u ah dowladda Imaaraadka una qaabilsan arrimaha Geeska Afrika, iyadoo uu ka mid yahay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo xubno ka mid kooxdii Qabyo.

Like it? Share it!

Leave A Response