Madaxweyne Waare “Inta aan Baarlamaanka la horgeyn Hindise sharciyeedyada aan ka wada tashano”

| Saturday, Nov 25, 2017 |

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay fuliso balan-qaadkii ahaa in laga wada tashado ka hor inta aan Hindise sharciyeedyada la horgeyn Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Hadalka Madaxweyne Waare ayaa daba socda qoraal uu maalmo ka hor uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Puntland C/wali gaas oo ay si wadajir ah u soo saareen Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, kaasoo looga dalbanayay Aqalka Sare in la hakiyo ka doodista iyo ansixinta hindise sharciyeedyada ay soo gudbisay Xukuumadda.

“Waxaa balan ka laheyn oo aan rajeyneynay in hindise sharciyeedyada la horkeenayo labada aqal midkood, gaar ahaan Aqalka Hoose ama Golaha shacabka, anaga waxaa dalbaneynaa waa wadatashi, waa in fikradeena iyo dareenkeena lagu daro sharci dejinta, waxaana saldhig u ah waxaas oo dhan in la hirgeliyo Barnaamijka Federaalka”ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in nidaamka Federaalka ee la qaatay ay tahay in lagu dhaqmo ama in la iska daayo, isagoo xusay in aanay meelna isla geli karin in la dhaho Federaal ayaa nahay iyo in loo dhaqmo sidii Dowlad dhexe oo kale.

“Runtii in Federaalka inaan qaadano oo Federaalnimada waxay tahay aan ku dhaqano iyo inta aan iska deyno oo aan isku nimaano oo aan dhahno Federaal nama anfaco ee naga daaya, laakiin inta aan dhahno Federaal nahay, hadana aan u dhaqano sida dowladd dhexe oo kale, taas ma ahan wax soconayo”ayuu yiri Waare.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ah Guddoomiye kuxigeenka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhaliilo is daba joog u jeedinayay dowladda Federaalka, waxaana uu ku socdaa wadadii Madaxweynihii hore Cali Cosoble, kaasoo markii ay isku dhaceen dowladda Federaalka, ku baxay mooshin ay ka keeneen Baarlamaanka Hirshabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response