SAWIRO: Xulka Kooxda libaaxyada Maamulka Puntland Oo Uu Hogaaminayo Cumar Faraweyne Oo Soogaaray Muqdisho

| Monday, Dec 4, 2017 |

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne iyo duqa degmada Qardho Cabdi Siciid, ayaa hogaaminayay Ciyaaryahanada Puntland ee ka qayb galaya tartanka maamul goboleedada, kuwaas oo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa Ciyaaryahanada kuso dhoweysay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaana la arkayay ciyaaryahanada iyo Mas’uuliyiinta Federaalka oo Sawiro wada galaya gudaha garoonka.

Kooxda ayaa watay Koobkii ay sanadkoo hore qaadeen, waxaana wajiyadooda laga dheehan karay dareen farxadeed, maadama ay mar kale tartanka galayaan iyagoo Koobka difaacanaya.

Ciyaaryahanada maamulada ayaa maanta ku qulqulaya Muqdisho, waxaana Koobka uu furayaa 7-da bishan oo maalmo kooban ay ka dhiman yihiin, waxaana lagu Daahfuri doona Munaasabad ay Madaxda Soomaaliyeed ka qayb gali doonaan.

iyaaryahanada Puntland ayaa muddo saddex bilood ah tababaro ka waday magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, waxayna ahaayen ciyaarayhanadii sanadkii hore ugu ciyaarta wannaagsanaa.

Sanadka tartanka ayaa ah mid aad u adag, waxaana Kooxaha kale ay doonayaan inay Puntland la galaan tartan adag, ayna ka a qaadaan Koobka.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRODA:

 

Like it? Share it!

Leave A Response