SAWIRO: Beesha Caalamka oo Shir degdeg ah UgU Yaboohday Madaxda Soomaalida Maxaase Looga Hadli doonaa Shirkaas .

| Monday, Dec 4, 2017 |

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, ayaa waxaa ka furmay shir heerkiisu uu aad u sareeyo, kaasi oo ka furmay Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxda Soomaalida, Safiiro, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.

Waxaa shirka looga hadlayaa Mideynta Qaranka, amniga iyo sidii ay Ciidamada dawlada Soomaaliya ula wareegi lahaayen amniga dalka Soomaaliya sida uu sheegay Mafdaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shir shir guddoominayay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay jiraan Caqabado haysta Ciidamada Soomaaliya, waxaana uu xusay in lahga gudbi doono Caqabadaha haysta Ciidanka Soomaaliya ee ka kooban ragga iyo dumarka.

Muhiimada ugu wayn ee shirka, ayaa ah fulinta qodobadii kaso baxay shirkii London, gaar ahaan mideynta Ciidanka iyo sidii loogu heli lahaa dhaqaale iyo dareys.

Shirka ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waana shir muhiimad balaaran u xambaarsan Ummadda Soomaaliyeed.

Dawlada Soomaaliya ayaa mudadii koobayd ee ay jirtay qabatay wax badan, isla markaana ku rajo wayn inay dalka isbdal ku samayso.

Like it? Share it!

Leave A Response