Kheyre Oo Weji Cusub Lasoo Baxay Iyo Qarashkii Ugu Badnaa Oo Uu Ku Bixinayo Sidii Farmaajo Loo…

| Tuesday, Dec 5, 2017 |

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu doonayo inuu meesha ka saaro Madaxweyne Farmaajo si xilkaasi isaga isugu diyaariyo.

Kheyre oo moodaya hadda in dhaqaalaha uu haysto ku filan yahay, meeshana kaga saari karo Farmaajo ayaa si hoose u bilaabay inuu qarash siiyo xildhibaannada golaha shacabka qaarkood si ay mooshin uga keenaan madaxweynaha.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in Kheyre uu rabo in maalmaha soo aadan bixyo Hal Milyan oo doolar, taasi oo uu ku bixin doono sidii Farmaajo loo eryi lahaa.

Golaha shacabka xildhibaannada ku jira ayaa u arka mooshinkaan mid aad u faa’ido badan, iyadoo Labada dhinacba qarashaad ka heli doona.

Madaxweyne mahamed cabdillahi farmaajo ayaa ku jira is difaacii ugu adkaa iyadoo xildhibaanada golaha shacabka ay u kala jabeen labo qaybood.

arintaani ayaa ah Arrin Khalkhal ku abuuraysa dowladnimada somaliyeed iyo daacadnimada qaranka ka reebi karta dunida kale.

horey ayaa waxaa u dhici jirtay in Ra”iisul wasaaraha iyo madaxweynaha is qabsadaan ka dibna Ra”iisul wasaru meesha ka baxo.

waxaa jira rag kale oo dabada ka riixaya oo ay mid yihiin siyaasiyiin hore dalka xilal kala duwan uga soo qabtay Hadana doonaya in ay xilal helaan.

 

Like it? Share it!

Leave A Response