KASHIFAAD: Roobow Muxuu u Diiday In Loogu Yeero Wadaadka Isku Soo Dhiibay Dowladda Federaalka

| Tuesday, Dec 5, 2017 |

Mukhtaar roobow oo ahaan jiray hogaamiye ku xigeenkii hore ee ururka alshabaab ka dibna ka goostay una cararay dhinaca gobolka bakool ayaa ugu danbayntii wadahal ka dib ogolaaday in uu isku soo dhiibo dowlada fadaraalka Somalia.

 

Rooboow oo wariyaasha somaliyeed ee magaalada baydhabo la shiray ayaa sheegay in aysan oran Karin wadaadkii isi soo dhiibay hasayeeshee ay yiraahdaan wadaadkii wadahadalka ku yimid.

 

Mukhtaar oo marna ahaa afhayeenka al shabaab laakiin dowlada Somalia ka helay waji iyo la dhaqan wanaagsan markii ay alshabaab ku soo weerareen deegaankii uu ka dagaan gobolka bakool.

 

Danta uu ka leeyahay wadalkiisii shalay ayaa ah in uu madax ka noqdo maamulka uu hogaanka u hayo shariif sheikh xasan ee koonfur galbeed.

Shariif xasan oo wayihii u danbeeyay lagu kacsanaa ayaa misna ku jira is difaac adag isagoo mararka qaar xarig kula kaca golaha badbaada koonfur galbeed Somalia.

Like it? Share it!

Leave A Response