DegDeg: Golaha Wasiirada XukuumaddaSomaliya oo Goordhaweyd Ansixiyay Sharci Muhiim Ah.

| Thursday, Dec 7, 2017 |

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa sheegay in Shirka Golaha Wasiirada looga hadlay Heshiiskii Shalay Muqdisho ay ku gaareen Madaxda Maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Dhanka kale Waxay Goluhu ay soo dhawweeyeen Heshiiskaasi, kuna tilmaameen in uu ahaa mid Taariikhi ah.

Waxaa kaloo looga hadlay kulankan qodobo kala duwan, sida Xaaladda Ammaan ee Dalka iyo arrimo kale.

 

Sidoo kale Eng Yarisow ayaa carabka ku dhuftay in Golaha Wasiirada ay maanta Dood dheer kadib Meel Mariyeen Istaraatiijiyada Amniga Dalka illaa iyo Sanadka 2020-ka

Like it? Share it!

Leave A Response