DAAWO: Siyaasi Cabdiraxmaan Oo xoriyadiisii helay iyo Gudoomiye Thabit oo Raaligalin ka bixiyey.

Mudane Thaabit Duqa Magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur uu caawa xor yahay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Qudbad  ka jeediyay munaasabadaan lagu soo dhaweynaayay  kadib markii uu banaanka uga soo baxay xabsiga oo xoriyadiisii dib loogu soo celiyey.

Dhanka kale, waxaa uu sheegay in dowladu ay raali gelin ka bixineyso qaladaadkii dhacay isla markaana diyaar loo yahay in laga xisaabtamo.

Gudoomiye Thaabit, Madaxwenayaasha Galmudug iyo Hiirshabelle ayaa ka dambeeyay in C/Raxmaan C/Shakuur qaab damaanad ah uu xoriyadiisa u helo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here