Dhageyso: Xeer Ilaaliyaha Guud oo ka soo hor-Jeestay go’aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Dr. Axmed Cali Dahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka  Soomaaliyeed ayaa gaashaanka udaruuray kana soo  hor-jeestay go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ku soo afjaray kiiskii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee  ahaa fal dambiyeed qiyaano qaran iyo qaran dumis.

Dr. Axmed Cali Dahir oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in go’aanka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir uu ahaa mid baal marsan sharciga, isla markaana ay ka qaadanayaan racfaan sharci ah.

Dhanka kale Inkastoo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed uu diiday in racfaan laga qaato kiiska uu xukmiyay, hadana Xeer ilaalinta ayaa ku adkeysaneysa in si sharci ah waafaqsan ay racfaan ugu qaateen go’aakaas ay maanta Maxkamadda xoriyadiisa dib ugu soo celisay C/raxmaan C/shakuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here