Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo hortagay Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa hortagay Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir.

17-kii bishan Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay laba Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya in lagu sameynayo baaris.

Axmed Cali Daahir ayaa la weydiiyay cadeyamaha uu u hayo arrinta xildhibaanada labada ah, iyada oo ugu dambeyn uusan soo bandhigin cadeymo sax ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka guddoominayay ayaa sheegay inuusan qaadan karin in lagu gafo sharafta xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Dhanka kale Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa boggiisa Facebook ku sheegay in Xeer ilaaliyaha uu hortagay guddiga islamarkaana wax laga weydiiyay caddeymaha uu u hayo labo xildhibaan oo uu dhawaan dalbaday in xasaanadda laga qaado.

Hadalka Axmed Macallin Fiqi ayaa u qornaa sidan.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maantay u yeeray Axmed Cali Daahir oo si sharciga baalmarsan hawada u mariyey eedaymo laba xildhibaan oo ka mid ah golaha shacabka kuwaas oo uu soo codsaday in xasaanadda laga qaado.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa golaha joogtada ah hortooda lagu weydiiyey caddyamaha uu u hayo arrinta xildhibaanada labada ah, waxeyna ugu danbeyn arrintiisii ku soo dhamaatay Afsoomaali, aan wax caddeyn soo hordhigin guddiga joogtada ah hortooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here