DEGDEG: Ansixintii Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo kooram la’aan u baaqday.

Kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kooram la’aan u baaqday, iyadoo lagu waday in lagu ansixiyo Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Waare.

Dhanka kale Warar kaloo hoose ayaa Sheegaya in magaalada Jowhar ay in uu u baaqday kulanka muran iyo dood ka dhextaagan  xuquuqda Xildhibaanada oo aan muddo 7 bil ah wax mushaar ah Helin

Sidoo kae Xildhibaanada ayaa loo balan qaaday in la siinayo mushaarka labo bilood, inkastoo qaarkood ay diideen, ayna dalbadeen in dhamaan inta bil ee ka maqan la siiyo.

waxaana socda  dadaalo lagu qancinaayo Xildhibaanada oo ku aadan ansixinta Golaha Wasiirada, iyadoo Xildhibaanada qaar ay dalbanayaan ka hor inta aanay ansixin la siiyo xuquuqda ka maqan oo ah 7 bilood oo ay ku jirto bilihii u dambeeyay ee uu xilka hayay Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here