Dhageyso: Dabley Hubaysan oo goordhaweyd  Dil Ka Geystay Degmada Dharkenley.

Dabley ku labisnaa Dareeska Ciidamada Dowladda, kuna hubeysnaa Bastoolad ayaa Qof la sheegay in uu watay dhar shacab ah waxa ay ku dileen Degmada Dharkenley ee G/ Banaadir.

Goobjooge lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Raggaasi oo 2 ahaa inta aysan dilin Marxuumka ay ku wateen Mooto, kuna Toogteen Naxwaaxiga Kaamka Badbaado ee Degmadaasi Dharkenley.

Dhanka kale Meydka Marxuumka ayaa lagu wareejiyay Lamaaha Ammaanka oo baaritaano ku hayo qaabka uu u dhacay dilkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here