Fanaanada Caanka ah ee Fartuun Birimo oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho Kuna qaban doonta Showga Sanadka Cusub ee yey kuseegin. 

0
490

Fartuun Axmed Sahal Fartuun Birimo Fanaanada Soomaaliyeed   ayaa dhawaan Show ku Qaban Doonto Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Sanadaka Cusub 2018.

Bilaawga Sanadka Cusub ayaa La filayaa in Hotelka Coconet ee Liido ay Ku qabato Bandhig Faneed Cajiib ah, Waxaana Muqdisho Laga Dareemayaa Diyaar Garoow Xoogan oo la iskugu diyaarinaayo damaashaadka sanadka cusub iyo bandhiga Fartuun Birimo.

Fanaanada Faruun Axmed Sahal Birimo ayaa Ka mid ah Fanaaniitii Hore ee Caanka ka ahaa gayiga somaaliyeed, Waxaana ay Bedeli Doontaa Banadhigyadii Hore ee lagu Qaban jiray Muqdisho.

Showgaan ayaa si Weyn looga Hadal Hayaa Muqdisho, Waxaana Ka qayb gelaya Dad kala duwan oo Daneenaya Bandhiga Cusub ee Fartuun Birimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here