DEGDEG SAWIRO: Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliaya oo Soogaaray Magaalada

0
423

Jumco Waxaa goordhawyed Soogaaray Garoonka  Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Wasiirka ayaa waxa ku soo dhaweyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Isgaarsiinta Cabdi Cashur, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqidsho Thaabit Cabdi Maxamed iyo xubno kale.

Cabdi Maxamed Sabriye Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya  ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag oo la doonayo inuu wax ka qabto, kolka uu xilka kala wareego Wasiir kii hore Mudane  Juxa.

Dhanka kale Dowladda Federaalka ayaa aaminsan in Wasiirka cusub oo ah reer Muqdisho uu wax badan ka qaban doono culeysaadka siyaasadeed ee Dowladda kaga imaanaya siyaasiyiinta Mucaaradka ee Muqdisho ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here