DAAWO: Maxaa kala heysta Faroole iyo Madaxwayne Gaas.

0
35

Cabdiraxmaan Faroole Madaxwaynihii Hore ee maamulka Puntland oo Warbaahinta Madaxa banaan kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay Xiisada kasoo Korodhay deegaanka Tukaraq, Wuxuuna Muuse Biixi ugu baaqay inuu Ciidanka Somaliland ka saaro deegaankaasi, Isagoo sheegay inuu ahaa Duulaan Gar-daro ah.

Dhanka kale Faroole Waxa uu sidoo kale Weerar Ba’an ku Qaaday C.wali gaas madaxwaynaha Puntland iyo Baashe Maxamed Faarax Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland isagoo sheegay inaysan Nabad iyo dagaal waxba ka ogayn, Isagoo ugu baaqay inay Beelahooda Nabad-dhex dhigaan Marka hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here