Madaxweyne Trump oo arrin aan la fileyn darteed u joojiyey Booqashadii uu ku tegi lahaa UK

0
38
epa06432441 (FILE) - An exterior view of the new US Embassy at Nine Elms in London, Britain, 15 December 2017, (reissued 12 January 2018). Media reports on 12 January 2018 state that US President Donald J. Trump has cancelled a visit to Britain planned for February 2018, saying he was not a 'big fan' of the new US embassy one billion US dollar building in London which he was due to open in February 2018. EPA/ANDY RAIN *** Local Caption *** 53960904

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqashadii la sii qorsheeyay ee uu ku tagi lahaa UK bisha Feebaraayo, wuxuuna sheegay in uusan “taageeraysanayn” safaaradda cusub ee Maraykanku uu ka dhistay London, taasoo la qorsheeyay in uu isagu furo.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa la filayay in uu furo safaaradan cusub oo ay ku baxday hal bilyan oo doolar, taas oo uu qorshaheeda lahaa madaxweynihii ka horreeyay ee Barack Obama, Trump ayaana ku tilmaamay  in fikraddaasi ay ahayd mid xun

epa06432441 (FILE) – An exterior view of the new US Embassy at Nine Elms in London, Britain, 15 December 2017, (reissued 12 January 2018). Media reports on 12 January 2018 state that US President Donald J. Trump has cancelled a visit to Britain planned for February 2018, saying he was not a ‘big fan’ of the new US embassy one billion US dollar building in London which he was due to open in February 2018. EPA/ANDY RAIN *** Local Caption *** 53960904

Hadda waxaa laga yabaa in munaasabadda furitaanka uu ka qaybgalo wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson badalkii madaxweyne Trump. Trump ayaa aqbalay casuumaad ay u fidisay boqoradda Ingiriiska ka dib markii Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May ay booqasho rasmi ah ku tagtay Maraykanka sannadkii hore.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa diiday in uu  ka hadlo baajinta booqashada Trump ee UK. Trump ayaa Twitter-ka ku soo qoray in uusan ku faraxsanayn in maamulkii Obama uu gaday safaaraddii hore ee Maraykanka ayna ku badasheen

Wuxuu sheegay in dhismaha cusub ee Vauxhall ee Koonfurta London in ay “durugsan tahay” wuxuuna intaas ku daray  “Ma inaan xariga ka rajaad rabtaan, Maya!

Xafiiska Ra’iisulwasaaruhu uu qorshaynayo in booqashadaas loo wareejiyo dhammaadka sannadkan, si Trump uu markaas xariga uga jaro dhismaha boqoradda ee Buckingham Palace.

Reason I canceled my trip to London is that I am not a big fan of the Obama Administration having sold perhaps the best located and finest embassy in London for “peanuts,” only to build a new one in an off location for 1.2 billion dollars. Bad deal. Wanted me to cut ribbon-NO!

Safaaradda cusub ee Mareykanka ka dhistay London ayaa waxaa ku baxday lacag dhan  £750m (1.2) Bilyan oo doolar, waxayna noqotay mid uu Trump u sabab u dhigto joojinta socdaalkiisii dalka Ingiriiska oo markii hore dad badan ay ka horjeedeen.

Laakiin wali ma jirto maalin khaas ah oo la calaamadiyay, Maraykankuna sidoo kale wali ma uusan calaamadinin taariikhda booqashadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here