Jabuuti Oo Ciil iyo Xanaaq Ay Ka Qaaday Soomaaliya Ku Hanjabtay inay Sameyn Doonto…

0
2424

Dawlada Jabuuti ayaa la sheegay inay ka qeylo dhaamineyso bahdilaad lagu hayo Ciidankooda kusugan Waddanka Soomaaliya.

Inkastoo isku Af,isku dhaqan,isku diin ay Soomaalida la yihiin Ciidanka Jabuuti Ee Kusugan Qeybo ka mid ah Soomaaliya hadana sidii la rabay loolama macaamilin.

 

Sargaal katirsan Wasaarada Difaaca Jabuuti ayaa ku goodiyey in Ciidankooda Soomaaliya kusugan la baxayaan maadaama ay Xaquuqdii ay lahaayeen aysan helin.

Waxay Jabuuti ku Andacooneysaa inaysan Mushaarka Ciidankooda Soomaaliya jooga helin bilihii udambeeyey ayna taasi jawaab kaga dhigayaan la bixida askartooda.

Askari walbo oo howlgalka AMISOM katirsan ah ayaa Mushaar uqaata Kun Dollar kabadan bil kasta xilli Kuwa Soomaalida 200 Dollar xitaa aysan bilo isku xigo qaadanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here