Gaalkacyo:-Madaxweyne Xaaf iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

0
304

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Duhurnimadii Maanta Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Xubnaha la socda Madaxweyne Xaaf waxaa kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Galmudug, Xildhibaanada Galmudug, Wasiiro iyo Saraakiil kale oo la socday.

Ujeedkooda Magaalada Gaalkacyo ay maanta u gaaray ayaa ah in ay soo dhaweeyaan Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee Magaaladaasi kusoo gaba-gabeynaya Safaradii Puntland, una bilaabanaya Socdaalka Galmudug.

Xubnaha uu Hogaaminaye Madaxweynaha Galmudug waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo kusoo dhaweeyey Xubno isugu jiray Maamulka Gobolka Mudug, Kan Gaalkacyo iyo Saraakiisha Ciidamada halkaa ku sugan.

Madaxweyne Geelle ayaa guda galaya Abaabulidda qeybaha kala duwan ee Galmudug gaar ahaan Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada si ay ugu qeyb qaataan Soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Dhinacyada la diyaarinayo waxaa la filayaa in ay kulamo la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya si lamid ah Dhinacyadii uu kula kulmay Magaalooyinka Garoowe, Qardho iyo Boosaaso oo haatan uu ku sugan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here