Shariif Xasan Oo Khatar Ku Jira AKHRISO

0
1027

xildhibaanada barlamaanka maamulka koonfur galbeed ayaa go’aan ku gaaray in ay dhulka la jaraan madaxweynaha koonfur galbeed shariif xasan shiikh aadan.
shariif xasan ayaa ah madaxweyne mudo sanadooyin ah walina masoo magacaabin madaxweyne ku xigeen waxaanu samaystay baarlamaanka ka badan intii uu farayay sharciga u yaala koonfur galbeed somalia.
maamulka koonfur galbeed ayaa lagu eedeeyay dib dhac weyn marka loo eego maamulada kale ee dalka ka jira.

shariifka ayaa waxaa lagu haystaa arimo badan oo ay ka mid yihiin amni daro, boob,shaqo la’aan iyo waliba maamulka oo lagu tiriyay kuwa ugu fadhiidsan dhinaca maamul goboleedyada somalia.
shariif xasan ayaa dhowr jeer oo hore waxaa uu ka badbaaday mooshin ay soo abaabuleen qaar ka mid ah baarlmaanka koonfur galbeed somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here