AKHRI: Madaxweyne Farmaajo iyo Ra”isul Wasare Khayre Waxqabadkii iyo Dhaliishii Sanadkaan.

Waxaa laga yaabaa in xilligan ay yar yihiin dadka falanqeeya dhacdooyin dalka Soomaaliya ee amuuraha ku eega aragti dhexdhexaadnnimo iyada oo lagu kala duwan yahay fikirka, waana wax muuqda in ay jiraan laba dhinac oo xagjirnimo ku kala eegaya dhammaan hawlaha ka socda dalka Soomaaliya.

Taageerada iyo Dhaliishuna midna qiimo ma yeeshaan hadduu qof wilba dhinaca uu la jiro u duuliyo si indho la’aan ah , dawladdu waa mid bulshada Soomaaliyeed oo dhan ka dhaxaysa xaqna uu muwaadinku u leeyahay in uu taageero isla markaana dhaliilo. Taageeridu haday ka baxdo xadkeedana ay keento xadgudud, dhaliishuna haday dhaafto xadkeeda ay keento burbur, waana lagama maar maan in dheefta iyo dhaliishaba si xadaysaysan oo macquul ah loo muujiyo.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre waxay xilka hayaan muddo sanad ah, waxaana la soo maray sanadkaa dhacdooyin aan hore uga dhicin dalka Soomaaliya, kuwaas oo bulshada kala qaybiyey aragtiyo kala fogna ku xanbaaray.

Muddadii koobnayd ee sanadka ahayd haddaan ku hor marno dheeftii bulshada u soo hooyatay waxay isugu jirtaa mid xukumaadihii hore lahaayeen bilowgeeda oo dhamaystirkeedii ku soo beegmay xukuumadan iyo waxqabad ay xukuumadani la timi oo ay mudan tahay In lagu ammaano.

Qodobada ugu muhiimsan ee ay dawladdani wax ka qabatay ayaa waxaa ka mid ahaa.

1. Dhaqaalaha: xukuumadda Farmaajo/Khayre waxay ku guulaysatay in qaab wanaagsan loo maareeyo dhaqaalaha dawladda soo gala, kana soo gala ilaha kooban ee ay sii abuureen xukuumadihii ka horeeyey sida Dekada, Garoonka diyaaradaha iyo Cashuuraha kale ee la qaado. Dhaqaalihii qaabka gurracan u lumi jiray waa la xakameeyey, waxaano la beekhaamiyey dhaqaale badan.

2. Mushaharka shaqaalaha: xukuumadda Farmaajo/Khayre waxa ay ku guulaysatay in si nidaamsan ay u qaabayso mushahar bixinta shaqaalaha, arrinta oo xukuumadda lagu ammaanay, dhamaan shaqaalaha dawladdu waxay helaan mushaharkooda xilliga loogu tala galay muddooyinkii ugu danbeeyey.

3. Musuqmaasuqa: arrintani waa mid ku baahsan Soomaali oo idil, hasa yeeshee muddooyinkii ugu danbeeyey waxay xukuumadani ku guulaystay in la xakameeyo arrintaas oo laga dareemay kobaca dhaqaalaha iyo meel marinta sharciyo badan.

4. Soo deynta Maxaabiista: Xukuumadda Farmaajo/Khayre waxay ku guulaystay in maxaabiis tiro badan laga soo daayo dalalka Itoobiya iyo Hindiya, waana wax qabad lagu bogaadiyey xukuumadda.

5. Gurmadka Musiibooyinka: Xukuumadda Farmaajo/ Khayre waxay ku guulaysteen qaab aan hore u jiri jirin in ay u maareeyeen Musiibooyinkii sanadkii aynu ka soo gudubnay dhacay, abaarihii iyo Qarxayadii dalka ka dhacay.

6. Safarkii Madaxweynaha: safarkii madaxweyne Farmaajo ku maray gobolada Bari Iyo Gobolada Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ahaa safar aan hore madaxweyne Soomaaliya ugu bixin tan iyo 1986 kii, waxayna ahayd talaabo xukuumadan lagu bogaadiyey is dhexgalka iyo dib u heshiisiinta kaalin muhiim ah ka qaadatay.

7. Khilaafka Khaliija. Xukuumada Farmaajo/Khayre waxay ku guulaysatay in ay arrinta Gacanka Carabta ka dhacday ay si dhexdhexaadnnimo ah u maarayso, inkasta oo maamul goboleedyadu kacdoon ka jiray, hadana xukuumadu dhinac walba waxay ku ula falgashay qaab aan mawqifkeeda badalin.
8. Heshiiskii Galmudug: Xukuumada Farmaajo/Khayre waxay qayb ka ahayd oo fududeysay heshiiska lagu mideynayey Maamul goboleed ka Galmudug.

Arrimaha ay xukuumadani dhamaystirkeeda lahayd, hasa yeeshee xukuumadihii ka horeeyey bilaabeen waxaa ka mid ahaa.

1. Hawada Soomaaliya: Xukuumadda Farmaajo/Khayre waxay dhamaystireen wada-xaajood muddada dheer soo socday oo goobo badan ka soo gudbay waxaana xilligan fulay heshiiskii xilliyo hore lagaadhay.

2. Sharciga Isgaadhsiinta dalka: sharciga muddo dheer ayaa laga soo shaqaynayey ilaha dhaqaalaha iyo qarannimada dalkana qiimo weyn ayuu ugu fadhiyey, waxaana soo diyaariyey xukuumadihii ka horeeyey Farmaajo/Khayre hasa yeeshee waxay ku guulaysteen in la meel mariyo.

3. Saldhiga Milatariga: Sanadkii aynu ka soo gudubnay waxaa isagana la furay saldhiga ugu weyn qaaradda Afrika uu dalka Turkigu ku leeyahay, kaas oo loogu talo galay in lagu tababro ciidamada Soomaaliya Iyo ciidamada dalalka Geeska Afrika mustaqbalka dhaw.

Dhaliilaha Xukuumadda Farmaajo/Khayre

1. Qalbi Dhagax: Dhiibistii Qalbi Dhagax waxay dhaawac weyn u geysatay Farmaajo, sababta ay ugu gaystay ayaa waxa ay tahay Farmaajo oo bulshadu u arkaysay nin ay wadaniyadu ku dheer tahay isla markaana is hortaagi doona danaha Itoobiya , noqona doonin nin u dhago nugul, bulshada Soomaaliyeed aad ayey u soo dhaweeyeen safarkiisii ugu horeeyey ee uu ku tahay Sucuudiga, waxayna hore u arki jireen madaxda Soomaalida oo Itoobiya safarka ugu horeeya ku taga, waxaase fikirkii wadaninnimadda ee laga aaminsanaa Farmaajo Dhantaalay oo dhaawacay markii Qalbi Dhagax loo dhiibay Itoobiya , isla markaana uu Madaxweynuhu ka gaabsaday in uu ka hadlo, kuna gaabsaday warbixintii golaha wasiiradu ka soo saaray, waxaase mar kale arrinta dhaawac kale u sii yeelay markii gudigii Baarlamaanku sharci daro ku tilmaameen dhiibistii Qalbi Dhagax, baarlamaankuna uu yahay Hay’ada ugu awooda badan dalka.

2. Qaraxii Zoope: Qaraxii Zoope ka dhacay wuxuu ahaa qaraxii ugu xumaa ee Abid ka dhaca Soomaaliya, waxaanu ka mid yahay qaraxyadii ugu xumaa ee la diiwaan galiyey kii ugu dhimashada badnaa dunida, waxaa ku dhintay dad gaadhaya lixboqol waxaana ku dhaawac May tiro aad u badan, waxayna dhibaato ka soo gaadhay dad kala duwan, dad ku dhaw Sadex kun oo isugu jira caruur iyo haween ku agoonoobay, iyo kuwo hanti kaga baabaday.

3. Tayada Ciidanka: In kasta oo xukuumadihii ka horeeyeyba ku guul daraysteen in la dhiso ciidan tayo leh oo bedela ciidamaan Afrikanka badelay ee 14sano ka badan dalka jooga, haddana xukuumadda Farmaajo/Khayre qorshahooda ciidanku ma cadda, dhawaana dawladdaha Maraykanka Iyo Jarmalku waxay dhaliileen qaabka ciidanka loo maaraynayo, waana arrinta ilaa maanta xalka loo la yahay in la dhiso ciidan Soomaaliyeed oo hanta nabadda dalka.

4. Sirdoonka: Dhibaatooyinka ugu weyn ee xilligan taagan ayaa waxay yihiin arrimaha sirdoonka oo dhaawacyo badan soo gaadheen, in kasta oo Abu Mansuur Roobow soo xero galay xilligii dawladan haddan qaraxyadii dhibaatada weyn geystay iyo sal u dhigid la’aanta madaxda sirdoonka dalka waxay muujisay in dhaliil xoogan ka jirto sirdoonka, muddo afar bilood ku dhaw hay’ada sirdoonku malaha guddoomiye waxaana muuqata in loolan ka aloosan yahay qofka loo dhiibayo xilkaas.

5. Weerarka Siyaasiyiinta: Xukuumada Farmaajo/Khayre waa xukuumaddii ugu horaysay ka dib burburkii dawladii dhexe weerar ku qaada siyaasi ay kala fikir yihiin, loolana ka dhaxeeyo, sababtayna In lix qof ku dhimato, taasi waxay u muujisay xukuumadan mid nugul oo aan u adkaysan karin dhaliisha mucaaradka isla markaana ka gaashaaman karin hagardaamada ka dhalan karta loolankaasi siyaasadeed. Waxa kale oo dhaliil ahayd markii gurigiisa lagu weeraray Cabdi Qaybiid ayna weerareen ciidamo ka amar qaata Imaaraadka oo ay caawinayaan ciidamo ka socda nabad sugida, taasina ay muujisay in xukuumada hay’ado badan oo ka hoos shaqeeya aanay gacanta ugu jirin ee ay shisheeye ka amar qaataan.

6. Maamul Goboleedyada: Waxaa xoogaystay awoodda maamul goboleedyada iyaga oo ku dhiiraday in ay samaystaan gole iyaga u gaar ah isla markaana lagu wiiqayo awooda Federaalka.

7. Mawqifka Dawladda Ee Wadahadlka “Somaliland”: Xukuumadda Farmaajo/Khayre ilaa hadda ma cadda qaabka ay udoonayso in ay u maarayso wadahadalka ka dhexeeya dawladda Federaalka iyo Maamulka la magac baxay”Somaliland” iyada oo xukuumadihii ka horeeyey ay arrintan “Somaliland” u xil saarin jireen wasaaradda arrimaha dibada, hasa yeeshee kulankii ay wada yeeshee wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka”Somaliland” waxay shaki galisay aragtida xukuumadan ee ku Aadan midnimada Soomaaliya Iyo wadahadalka laba dhinac.

Waxaa iyaguna jira arrimo badan oo ka dhex aloosan siyaasiyiinta xilligan xilal ka haya dawladda iyo xubno dhawaan xilal waayey oo iyaguna raad ku leh arrimaha siyaasadeed, iyo kuwii hore oo u baahan qaabkii sanadkii aynu ka soo gudubnay loo maareeyey qaab ka duwan.

Marka laysku soo duubo Waxqabadka ugu mugga weyn waxaa dalka ka wada bulshada Soomaaliyeed oo iyaga waxqabadkoodu ka muuqdo dalka, gaar ahaana magaalada Muqdisho oo dib u dhis iyo maalgashi baaxad weyn ka socdo waxayna bulshadu u baahan tahay in nabad galyadooda la sugo oo kaliya.
Dawladdan oo ka faa’iideysan karta qodxan gurkii ay dawladihii hore sameeyeen, waxaa haddana horyaala caqabado badan oo ay ugu dhib badan yihiin loolanka siyaasiyiinta oo waxbadan raggaadin kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here