Maxkamadihii Degmooyinka Gobolka banaadir Oo Cadaaladoodii Su’aalo La galiyay.

Cali Geedi Caraale oo ka mid ah wax garadka ku dhaqan degmada dharkeenley ee gobolka banaadir oo madaxtooyo News La Soo xariiray ayaa waxaa uu uga warbixiyay cadaala daro uu ka tabanayo maxkamada degmada dharkeenley, halkaas oo dacwad mudo uga socotay xukunkii la xukumay uu ku sheegay  Cadaalad Daro isla markaana aanan Sharciga waafaq Sanayn.

 

Cali geedi Ayaa waxaa kaloo uu sheegay in Xukunka uu Fuliyay Nin isku Sheegay in uu yahay gudoomiyaha Maxkamada degmada dharkeenley Sheekh Cumar cali Oo Ah Kaaliyaha Maxkamada Degmada Dharkeenley ee gobolka banaadir,sidoo kale  fuliyay xukuno sharci daro ah oo ahaa dhulal la isku haystay oo uu ka duudsiiyay dadkii lahaa dhulalkaasi asagoo u xukmiyay lahaan shaha dhulalka dad wata waraaqo been abuur ah.

 

Sheekh Cumar ayaa oo ah kaaliyaha maxkamada sheegtana in uu yahay gudoomiyaha maxkamada ayaa waxaa uu ka samaystay xafiis maxkamadeed hoygiisa oo ku dhaw xarunta maamulka degmada dharkeenley asagoon marna dacwadaha aan ku qaadin xafiiskii maxkamada ee sharciga ahaa kaas oo loogu talagalay in uu ku dhex yaalo xarunta degmada.

Cali geedi Caraale ayaa waxaa uu ugu danbayn ugu baaqay Maxkamada gobolka banaadir wasaarada Cadaalada iyo Madaxda Dowlada in ay wax ka Qabtaan Arintaani Isla markaana Ay U Soo Magacaabaan Maxkamada Degmada Dharkeenley Garsoor Cadaalada Ah Si Ay Xaqooda u helaan shacabka ku dhaqan degmada ee tabanaya cadaalada darada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here