Daawo:- Ganacsatada ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya Oo kulan la qaatay Waxgaradka Puntland

| Friday, Apr 15, 2016 |

Nabadoonadda gobalka Barri iyo ganacsatada ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa shir gaar ah maanta ka yeeshay xaaladda amaan ee Xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen sugidda ammaanka.

Nabadoonadda gobalka Barri ayaa sheegay in looga baahan yahay ganacsatada Koonfurta ka soo jeeda in ay la shaqeyaan ciidamada amniga, ayna muhiim in ciidamada amniga lagu soo wargaliyo cid kasta oo ka shaqeynaysa nabaddgalyo darro, kuna dhex dhuumanaysa shacabka ka soo jeeda Gobaladaas.

Ganacsatada Koonfurta ayaa balan qaaday in ay la shaqeyn doonaan dawladda, siiba laamaha amniga oo ay ku wargalin doonaan cid kasta oo ay uga shakiyaan falal amaan darro, waxa ayna ka mahadceliyeen sidda wanaagsan ee loogu yeeray.

Ganacsatadu waxay sheegeen in ay Nabadda iyo ganacsi xor ah ku haystaan deegaanada Puntland, siiba magaaladan Boosaaso sidaas awgeed ayna ka shaqeynayaan siddii ay Boosaaso amaan iyo daganaansho u sii yeelan lahayd, iyagoo sheegay in ay si toos ah ugu xirnaan doonaan ciidamada Amniga.

HALKAAN KA DAAWO 

Like it? Share it!

Leave A Response