Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi Uu Hoggaaminaayo Oo gaaray Dalka Itbooyiya

| Friday, Apr 15, 2016 |

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya,waxaana uu halkaas kaga qeyb gali doonaa shirka Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika oo berri la filayo in uu ka furmo dalka Itoobiya.

Waxaana shirkan looga hadli doonaa doorka qaaradda Afrika ee amniga caalamka, iyadoo ay ka qeyb gali doonaa madaxda dalka Africa (Tana High-Level Forum on Security in Africa).

Madasha Sare ee Amniga Africa, ayaa kulmisa hoggaamiyeyaasha Afrika, laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka amniga, khubarro iyo hay’ado kale. Waxaa madashan ay madaxda Afrika isku dhaafsadaan fikrado la xiriira qaabka mashaakilaadka Afrika loogu heli karo xal Afrika ay leedahay, gaar ahaan arrimaha amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa ka soo duulay magaalada Khartoum ee dalka  Suudaan, halkaas oo uu booqasho rasmi ah oo laba maalmood ku joogay,.

Waxaana ay heshiisyo ay isla soo saxiisdeen madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, iyadoo uu booqday Jaamacad ku taalla dalka Suudaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

Like it? Share it!

Leave A Response