DEG DEG: Kooxo hubeysan Oo Goordhow labo Qof ku dilay Muqdisho & rasaas xoogan Oo dhexmartay+gaari Qaraxyo fuliyay

| Monday, Apr 18, 2016 |

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan goor dhaw degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ku dishay labo askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada degmadaasi.

Qof Goobjooge ah oo la hadlay warbaahint ayaa sheegay in koox hubeysan oo watay gaari Saarif ah ay rasaas ku fureen gaari kale oo Saarif ah,waxaana rasaastaas ku dhintay labo qof oo Ssaarnaa,kuwaas oo kala ahaa Darawalkii Gaariga iyo qof la socday.

Ciidamada Ammaanka Gobolka Banaadir ayaa Goobta Gaaray,kuwaas oo Baaritaano halkaa ka wadda.

Gaariga ayaa sida la sheegay iskiisa u qarxay markii Ciidanka ay baacsadeen kooxihii watay.

Maamulka Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir wali kama hadlin Dilka ka dhacay Degmada,iyadoo Muqdisho Maalmahaan ay ka dhacayeen Dilal Qorsheysan.

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response