Dhageyso:- Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug Oo Dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabato Dagaalka Dac-dheer

Xildhibaan Canab Maxamed Cusoble oo ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa ka hadashay Dagaal ka dhacay Duleedka Degaanka Dac-dheer ee Gobolka galgaduud, kaas oo u dhexeeya Ciidamada Liyuu boolis iyo Dad Shacab ah oo ka soo jeeda degaanada Galmudug.

Xildhibaan Canab Maxamed Cosoble ayaa sheegtay in Ciidanka Liyuu Boolis ay Xasuuq ka geysteen halkaasi islamarkaana ay laayeen Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayey ugu baaqday Xildhibaan Canab in ay Faragaliso Dagaalka halkaa ka socda oo ay wax ka qabato.

Dagaalka ka dhacay degaanka Dac-dheer ee Gobolka galgaduud ayaa waxaa uu Sababay Khasaaro soo gaaray Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here