Dhageyso:- Maamulka Gobolka Banaadir Oo sheegay in maamulada degmooyinka lagula Xisaabtamayo amniga

Maxamed Axmed Diiriye “ Yabooh” Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada iyo amniga gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maamulada Degmooyinka lagula xisaabtamayo amniga degmooyinka ay masuulka ka yihiin.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in shacabka iyo maamulada degmooyinka ay si wadajir ah ugu qeyb qaataan sugida amniga guud ee caasimada Muqdisho.

Gudoomiye Yabooh ayaa sidoo kale sheegay in gudoomiye walbo loogu baahan yahay in uu dardargelin sugida amniga degmada uu masuulka ka yahay, isla markaana ladula xisaabtamayo.

Hadalka Gudoomiye ku xigeenka dhanka Siyaasada iyo amniga gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye “ Yabooh”   ayaa ku soo beegmaya xilli Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagu Weeraray gurigiisa oo ku yaalla degmada Hodan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here